|
Abdirizak Ahmed.
Luuliyo Media
Waxaa soo afmeermay todobaadkan caleemo saarkii labada
musharax madexwynenimo ee dalka mareykanka kuwaasoo ka
kala dhacay magaalooyinka Denver iyo St Paul ee dalka
Mareykanka. Marka haatan waxaa la soo gaaray xiligii la
dhagaysan lahaa shicibweynaha dalka Mareykanka kuwaasoo
go’aan kagaaari doona cida noqonaysa madexweynihii
afartan iyo afraad ee dalka Mareykanka.
Senator Barack Obama ayaa waxuu balanqaaday biilionaad
lagu hormarinayo dadka dabaqada dhexe, balse halkee bay
lacagtaasi ka imaanaysaa, halka dhanka kale uu Senator
John McCain balanqaaday in uu soo celindoono ciidamada
Mareykanka ee joogo Iraq ayagoo guul iyo sharaf huwan,
balse dhabtu waa cidina ma oga halka uu ku danbayn doono
dagaalka Iraq.
Senator Obama ayaa damcsan in uubadalo maamulka
jamhuuriga ee ka taliya Washington, halka Senator McCain
uu rabo in uu dib uhabayn ku sameeyo maamulka jamhuuriga
ee haatan jira.
Obama waxa uu sii wadi doonaa ilaa Nov 4teeda isku
keenista kumanaan qofa, halka McCaina uu wadi doono isku
keenida kooxo yar yar oo daacad u ah.
Hadaan u nimaano dulucda doorashada oo ah qibrada
iyo waayo aragnimada qof waliba leeyahay ayaan
bilowgeeda isku si aysan u arag shacabka dalka
mareykanka. In kamida waxay aaminsanyihiin in ay tahay
horumarka waxbarasho, kuwo kale waxay aaminasanyihiin in
ay tahay ku luglahaanshaha siyaasada, halka kuwo kalena
ayba aaminsanyihiin in ay tahay hantida qofi leeyahay.
Sanad yadii ugu danbeeyay waxaa la isla qiray in Harry
Truman iyo Ronald Reagan ay ka mid ahaayeen
madexweynayaashii ugu wanaagsanaa ee soo mara dalka
Mareykanka, hadana labadooduba suaal ayaa ka taagnayd
qibradooda hanasho ee aqalka cad intii aan la dooran ka
hor.
Madaxweynihii hore Truman ma lahayn aqoon jaamacadeed,
mana ahyn nin socdaal badan ee waxaa uu ahaa oo kaliya
sarkaaal ka tirsan ilaalda qaranka ee loo yiqiin
National Guards.
Si kastaba ha ahaatee shakiga laga qabay in uu
mudanyahay aqalka cad, ayaa waxuu noqday madexwynihii
ugu go’aan qaadashada adkaa inta la xusuusanyahay
taarikhda dalka mareykanka, go’aanadaasi ayaa waxaa ka
mid ahaa adeegsiga atomic bamkii lala dhacay dalka
Japan, u dirida ciidamo Mareykana dalka Koonfurta Korea
iyo waliba askumida hay’ada Quruumada Midoobay ee loo
yaqaan United Nations.
Hadaan ka gudubno Truman, Reagan waxuu gudoomiye gobal
ka ahaa gobolka California oo baaxad ahaan ka wayn
wadamo badan oo dunida ku yaal, hadana waxaa lagu
tilmaami jiray jilaagii filinkii lamagacbaxay B-Movie
micnaheedu waa jilitaanka filinkaasii ayaa ka
magacdheeraa gudoomiyenamadii xitaa intii uu xilka hayay.
Waxuu noqday kaalin aan la qarin Karin siduu u
xakameeyay quwadii Midowga Soviet taasoo aakhirkiina
dhaxalsiisay burbur Midowga Soviet. Maanta waxaa lagu
tilmaamaa in uu ka mid yahay aabayaashii dalka
Mareykanka.
Dhanka kale sadexda Senator McCain, Obama iyo Biden iyo
waliba Gudoomiyaha gobolka Alaska Palin ayaa u wada
tartamaya xilalkii ugu sareeyay dalka ee Madaxweyne iyo
Madaxweyne ku xigeen.
Doorashadani waxaa kaalin muhiim ah ka cayaaraya
jinsiyada, da’da iyo kala duwanaanshaha lab iyo dhadig.
Sidoo kale waxaad dareemaysaa in gobolo aan awal muhiim
u ahayn raga u tartamaya jagada madexweyne ay hada si
gooni ah la iskuga hayo.
Dhanka kale dooda dhexmari doonto labada Senator ee John
McCain iyo Obama ayaa la filayaa in ay noqoto midi
dhexmartay Jimmy Carter iyo Ronald Reagan 1980kii. Obama
ayaa looltankiisu ku xoog badanyahay gobolada jamhuuriga
sida Virginia iyo North Carolina kuwaasoo uu ku liitay
John Kerry doorashadii 2004ta.
Maadaama wax ka yar sideed todobaad oo kaliya ay naga
xigto xiligii loo dareeri lahaa goobaha cod bixinta ayaa
hadana la aaminsanyahay in ay muhiim tahay in Senator
McCain uu xooga saaro gobolada muhiimka ah ee Ohio,
Pennsylvania iyo Michigan. Halkaasoo qofkii ku guulaysta
labo kamida sadexdaas gobol ay hubaal tahay in uu hanan
doono jagada madexweynenimo.
Isku soo wada duuduuboo dadka Mareykanka ayaa looga
fadhiyaa in ay codayntooda ku saleeyaan waxa qofi
shaqsiyadiisu tahay ama waxa ay dantoodu tahay. Marka
aad eegto waxa ka dhacaya dunida maalin waliba oo leh
cinqilaab, doorasho lagu shubtay, codad lakala xaday IWM
ayaa waxaad dareemaysaa sida dimuqraadiyadu ku
dheehantahay ee xilalka lagula kala wareego dalka dunida
ugu cududa wayn dhan militari iyo dhan dhaqaalaba Walow
jid dheer, dhibna badan loo maro.
|