Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves

 

 
Barack Obama And Joe Biden
 

 
John McCain and Sahra Pilan
 
 
 
Doorashada Mareykanka: Waxaa laysku Jigayaa Khibrad iyo Isbadal Midkeese Dadka Mareykanku Diirada Saari Doonaa.

Abdirizak Ahmed.

Luuliyo Media

 

Waxaa soo afmeermay todobaadkan caleemo saarkii labada musharax madexwynenimo ee dalka mareykanka kuwaasoo ka kala dhacay magaalooyinka Denver iyo St Paul ee dalka Mareykanka. Marka haatan waxaa la soo gaaray xiligii la dhagaysan lahaa shicibweynaha dalka Mareykanka kuwaasoo go’aan kagaaari doona cida noqonaysa madexweynihii afartan iyo afraad ee dalka Mareykanka.

 

Senator Barack Obama ayaa waxuu balanqaaday biilionaad lagu hormarinayo dadka dabaqada dhexe, balse halkee bay lacagtaasi ka imaanaysaa, halka dhanka kale uu Senator John McCain balanqaaday in uu soo celindoono ciidamada Mareykanka ee joogo Iraq ayagoo guul iyo sharaf huwan, balse dhabtu waa cidina ma oga halka uu ku danbayn doono dagaalka Iraq.

 

Senator Obama ayaa damcsan in uubadalo maamulka jamhuuriga ee ka taliya Washington, halka Senator McCain uu rabo in uu dib uhabayn ku sameeyo maamulka jamhuuriga ee haatan jira.

Obama waxa uu sii wadi doonaa ilaa Nov 4teeda isku keenista kumanaan qofa, halka McCaina uu wadi doono isku keenida kooxo yar yar oo daacad u ah.

Hadaan  u nimaano dulucda doorashada oo ah qibrada iyo waayo aragnimada qof waliba leeyahay ayaan bilowgeeda isku si aysan u arag shacabka dalka mareykanka. In kamida waxay aaminsanyihiin in ay tahay horumarka waxbarasho, kuwo kale waxay aaminasanyihiin in ay tahay ku luglahaanshaha siyaasada, halka kuwo kalena ayba aaminsanyihiin in ay tahay hantida qofi leeyahay.

 

Sanad yadii ugu danbeeyay waxaa la isla qiray in Harry Truman iyo Ronald Reagan ay ka mid ahaayeen madexweynayaashii ugu wanaagsanaa ee soo mara dalka Mareykanka, hadana labadooduba suaal ayaa ka taagnayd qibradooda hanasho ee aqalka cad intii aan la dooran ka hor.

Madaxweynihii hore Truman ma lahayn aqoon jaamacadeed, mana ahyn nin socdaal badan ee waxaa uu ahaa oo kaliya sarkaaal ka tirsan ilaalda qaranka ee loo yiqiin National Guards.

 

Si kastaba ha ahaatee shakiga laga qabay in uu mudanyahay aqalka cad, ayaa waxuu noqday madexwynihii ugu go’aan qaadashada adkaa inta la xusuusanyahay taarikhda dalka mareykanka, go’aanadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa adeegsiga atomic bamkii lala dhacay dalka Japan, u dirida ciidamo Mareykana dalka Koonfurta Korea iyo waliba askumida hay’ada Quruumada Midoobay ee loo yaqaan United Nations.

 

Hadaan ka gudubno Truman, Reagan waxuu gudoomiye gobal ka ahaa gobolka California oo baaxad ahaan ka wayn wadamo badan oo dunida ku yaal, hadana waxaa lagu tilmaami jiray jilaagii filinkii lamagacbaxay B-Movie micnaheedu waa jilitaanka filinkaasii ayaa ka magacdheeraa gudoomiyenamadii xitaa intii uu xilka hayay. Waxuu noqday kaalin aan la qarin Karin siduu u xakameeyay quwadii Midowga Soviet taasoo aakhirkiina dhaxalsiisay burbur Midowga Soviet. Maanta waxaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay aabayaashii dalka Mareykanka.

 

Dhanka kale sadexda Senator McCain, Obama iyo Biden iyo waliba Gudoomiyaha gobolka Alaska Palin ayaa u wada tartamaya xilalkii ugu sareeyay dalka ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Doorashadani waxaa kaalin muhiim ah ka cayaaraya jinsiyada, da’da iyo kala duwanaanshaha lab iyo dhadig. Sidoo kale waxaad dareemaysaa in gobolo aan awal muhiim u ahayn raga u tartamaya jagada madexweyne ay hada si gooni ah la iskuga hayo.

 

Dhanka kale dooda dhexmari doonto labada Senator ee John McCain iyo Obama ayaa la filayaa in ay noqoto midi dhexmartay Jimmy Carter iyo Ronald Reagan 1980kii. Obama ayaa looltankiisu ku xoog badanyahay gobolada jamhuuriga sida Virginia iyo North Carolina kuwaasoo uu ku liitay John Kerry doorashadii 2004ta.

 

Maadaama wax ka yar sideed todobaad oo kaliya ay naga xigto xiligii loo dareeri lahaa goobaha cod bixinta ayaa hadana la aaminsanyahay in ay muhiim tahay in Senator McCain uu xooga saaro gobolada muhiimka ah ee Ohio, Pennsylvania iyo Michigan. Halkaasoo qofkii ku guulaysta labo kamida sadexdaas gobol ay hubaal tahay in uu hanan doono jagada madexweynenimo.

 

Isku soo wada duuduuboo dadka Mareykanka ayaa looga fadhiyaa in ay codayntooda ku saleeyaan waxa qofi shaqsiyadiisu tahay ama waxa ay dantoodu tahay. Marka aad eegto waxa ka dhacaya dunida maalin waliba oo leh cinqilaab, doorasho lagu shubtay, codad lakala xaday IWM ayaa waxaad dareemaysaa sida dimuqraadiyadu ku dheehantahay ee xilalka lagula kala wareego dalka dunida ugu cududa wayn dhan militari iyo dhan dhaqaalaba Walow jid dheer, dhibna badan loo maro.

 

 

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.