|
luuliyo
Shirweynihii 45 ee Ururka
Bulshada Islaamka ee Waqooyiga America ayaa maalinimadii
Jimcaha bisha Agosna ahayd 29ka si rasmi ah uga furmay
magaalada Columbus. Ururkan oo loo yaqaan Islamic
Society of North America – ISNA oo hadafkiisa guud yahay
midaynta Muslimiinta Waqooyiga America.
Shirsanad lahan ururka ee
hadba magaalo loo doorta ayaa magaalda Columbus nasiib u
yeelatay in lagu qabto sandaan. Waxaa safka hore ee
culimada ayagu halkaasi ka hadli doona ka muuqda culimo
badan oo can ka ah caalamka gaar ahaan Waqooyiga
America.
Shirkan ayaa ka dhacaya goobta
shirarka ee magaalada Columbus waa dhismaha 400 ee
Waqooyiga High Street. Shirkan oo ku aadan horumarka
bulshada Islaamka ee Waqooyiga America ayaa waxaa si
weyn xooga loogu saari doonaa arrimha: Qoyska, Guurka,
Cibaadada, Dhalinyarada, Dhaqanka, Dhaqaalaha,
Doorashooyinka iyo Siyaasada iyo waliba arrimo kaloo
badan.
Shirweynaha ISNA waxaa uu socon doonaa ilaa 1da bisha
Sebteembar ee sandan 2008. Xogta dheerigaa ee
shirweynaha fadlan ka daalaco boga ISNA ee ah
http://www.isna.net/home.aspx
|