|
luuliyo
30
August 2008. Columbus, OH. Musharaxa madaxweyne
ee xisbiga Dimoquraad iyo jeelkiisa Joe Biden ayaa si
weyn u doonaya inay kasbadaan reer Ohio taas oo hadii ay
ku guulaystaan gaysiinaysa hogaanka dalkan Mareykanka.
Obama iyo Biden ayaa maanta oo
sabti ah si toos ah taageerayaashooda kala hadlaya
dugsiga sare ee Dublin Coffman High School. Tani ayaa ah
labo maalmood kadib markii uu si buuxda u aqbalay
musharaxnimada xisbiga Dimoquraadka ee shirweynihii
xisbiga ee ka dhacay magaalda Denver.
Booqashada Obama iyo Biden
ayaa ka daba joogtay kadib markii horaantii todobaadkan
Sen John Mccain uu si lama filaan ah booqasho ugu yimid
isla magaaldan Columbus. McCain oo in badan yimid
magaalooyin badan oo kamid ah gobolkan Ohio, ayaa ku
baraarugsan muhiimda ay doorashadiisa u leedahay guul uu
ka gaaro gobolkan Columbus gaar ahaan magaalada
Columbus.
Obama iyo Biden ayaa galabta
ka hadli doonaa Dublin Coffman High School, oo dad-weynaha
loo furi doono wixii loo gaaro 0430 galabnimo. luuliyo |