|
Luuliyo
Sanadka soo socda ee 2009 bishiisa
koowaad 20keeda ayaa ah maalin taariikhi ah marka loo
eega jiritaanka dalka mareykanka ee 233 sano jirsanaya.
Obama ayaa wuxuu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee madow
ee loo dhaariyo aqalka cad, haduusan noqona Sarah Palin
ayaa noqonaysa dumar tii ugu horeysay ee loo dhaariyo
madexweyne ku xigeen.
Tani ayaa waxay soo ifbaxday kadib markii
Obama oo ah madow loo caleemo saaray musharaxnimada
xisbiga dimuqraadiga isla markaana 12 saacadood kadib uu
si lama filaan ah musharaxa madexweyenimo ee xisbiga
jamhuuriga John McCain uu maalinimadii jimcaha kaga
dhawaaqay magaalda Dayton ee gobolka Ohio cida u
noqonaysa madexweyne ku xigeen hadii uu ku guulaysto
looltanka loogu jiro aqalka cad ee dalka mareykanka.
Waxaan umalaynayaa in Mareykanka
qarnigaan 21 naad uu aad ugu duwanyahay Mareykankii
qarnigii 20aad ayaa waxaa sidaas tiri Candice Nelson oo
ah madaxa jaamacadaha dawlada mareykanka fadhigeeduna
yahay magaalada Washington. Waxay hadalkeeda sii
raacisay in dadka laga tirada badanyahay amaba looyaqaan
minoritiga hada la garwaaqsaday kaalintooda xataa haday
noqon lahayd doorasho loo doorto jagada ugu sareysa waa
madaxweyne iyo madexweyne kuxigeene.
Obama iyo Palin ayaa maslaxa siyaasadeed
soo istaagay xili laga joogo kudhawaad labaatan sano oo
kaliya markii dadka laga tirada badanyahay iyo dumarkuba
ay ka dhexmuuqdeen maslaxa siyaasadeed ee heer degmo ama
goboleed, ayadoo waliba hada lagu qiyaaso in dadka laga
tirada badanyahay ee dalka mareykanka ay cagacagaynayaan
100million oo qof, taasoo u dhiganta sadex meelood meel
shacabka mareykanka.
Codbixiyayaasha dalka mareykanka ayaa u
dareeri doono goobaha codka laga dhiibto bisha Nov
4teeda si ay go’aan uga gaaraan cida badali doonta
madexweynaha haatan George W. Bush iyo ku xigeenkiisa
Dick Cheney.
Laga soo bilaaba sanadkii 1789 markii la
caleemo saaray madexweynihii ugu horeeyay ee dalka
mareykanka George Washington ilaa haatan oo uu xilka
madexweynenimo uu hayo George W. Bush waxaa xilalka sare
loo dooranayay oo kaliya raga cadaanka ah.
Dumarka ayaa markii ugu horeysay loo
ogolaaday in ay codeeyaan sanadkii 1920kii, halka dadka
madow ay 1960 yeedii ay heleen xuquuda in ay si buuxda u
codayn karaan. Waxaase xusid mudan in doorashadii ugu
danbeysay ee dalka mareykanka ee dhacday sanadkii 2004ta
ay wali jirtay arimo faro ku tiris ah oo dad madow lagu
waxyeeleeyay goobo cod bixineed. Hadaan dib ugu laabto
arimaha taariikhiga ah ee dhacay sanadyadii ugu
danbeeyay ayaan ahayn oo kaliya kuwo ku kooban Obama iyo
Palin ee waxaa sidoo kale jirtay in Nancy Pelosi oo
katirsan xisbiga Dimuqradiga ay sanadkii 2007 bishiisii
koowaad ay noqotay qofkii ugu horeyay ee dumara oo
noqota afhayeenka aqalka wakiilada ee dalka mareykanka.
Sidoo kale Senator Hillary Clinton oo
looltan kharaar la gashay Senator Obama ayaa waxay
noqotay qofkii ugu horeeyay ee dumara ee ay u codeeyaan
in kabadan 18million oo qof isreebreebkii hore ee
musharaxnimada xisbiga Dimuqradiga, taasoo ay qarka u
istaagtay in ay aqalka cad ka taliso.
Congresska dalka Mareykanka ayaa 78
haweena ay kasoo galeen aqalka wakiilada sanadkii aanu
ka soo gudubnay. Sidoo kale 16 ka mida Senatorada ayaa
ah haween, halka isu gayn 42 kamida aqalka congresska ay
yihiin madow.
Waxaa intaas dheer in xiliyadii danbe
madexweyneyaasha Mareykanka qaarkood ay xilal muhiima u
magacaabeen haween iyo madowba, waxaana ka mid ahaa
Madeleine Albright iyo Colin Powel oo kala ahaa dumar
iyo madow kuwii ugu horeeyay ee xilalkaas loo magacaabo.
Haatan waxaa jira 2 gudoomiye goboleed
oo madow ah iyo 8 dumara marka loo eego 50 gobol oo uu
Mareykanku ka koobanyahay.
Hadaba waxay dad badani oo dunida ku nooli is
waydiinayaan ayaa ah ma Obamaa noqondoona madexweynihii
ugu horeeyay ee madow ah mise Palin baa noqonaysa
madexweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee dumara ah,
waxaase taasi naga xigta oo kaliya 65 maalmood cida ka
soo toosi doonta aqalka cad.
|